Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba u soo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.




From the comments