Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa aanay shaqeyn karin shacabka la’aantiisa, shacabkana laga doonayo iney dowladda la shaqeeyaan.
Wuxuu sheegay in arrinta amniga dalka ay tahay mid muwaadin walbo oo Soomaaliyeed waajib ka saaran yahay, dowladdana ay awood u heli karto xaqiijinta amniga haddii ay hesho la shaqeynta shacabka.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney dowladda la shaqeeyaan, gaar ahaan arrimaha amniga ay nagala shaqeeyaan oo maalmahan ahmiyadda inoo saaran, si aan umadda Soomaaaliyeed ugu fududeyno iney ku noolaadaan sidii hore si ka dhib yar” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.




From the comments