Goobjoog Media Group ayaa waxay qabaneysaa tartan aqooneed lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan.
Munaasabadda qori tuurka tartanka ayaa maanta dhacday, waxaana kasoo qeybgalay maamullada dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay munaasabaddaan qori tuurka ahayd Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantooba.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group, Xassan Maxamed Maxamuud oo sheegay in tartankani uu yahay mid dhammaan ardayda gobolka Banaadir ay ku kala faa’ideysan doonaan, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku baranayaan tartankaan aradeyda ku nool degmooyinka kala gedisan ee Banaadir.





From the comments