Wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed aan loo diidi karin inuu maro waddooyinka Muqdisho.
Afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Maxamuud Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada amniga laga doonayo iney u dhimriyaan shacabka, ayna soo dhoweystaan si wada shaqeyn looga helo.
“Qofka muwaadinka ah meel walbo inuu maro oo waddooyinka caasimadda dhex maro wax loo diidi karo ma ahan, aniga oo codka wasaaradda amniga ku hadlaya waxaan leeyahay laamaha amniga shacabka Soomaaliyeed haloo dhimriyo, shacabka waa in loo yeero, soo dhoweysanno si aan cadowga ula dirirno” ayuu yiri Afhayeenka.




From the comments