Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa ay Axaddii dhagax ku dileen nin la sheegay uu gogol dhaaf sameeyay isaga oo labo xaas leh, iyaga oo dilka ka hor horgeeyay maxkamad Islaami ah.
Boqolaal dad ah ayaa daawanayey dilka Dhaayow Maxamed oo 44 jir ahaa, waxaa lagu dilay tuulo ka tirsan gobolka Bay oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, qof deegaanka ah ayaa u sheegay in ninka la dilay uu lahaa 2 xaas iyo caruur, sida ay shareecada qabtana dhagax ayaa lagu dilay.




From the comments