Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay gaareen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo si weyn loo soo dhoweeyay.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Cadaado u tagay sidii ay uga qeybgeli lahaayeen munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmuydug ayaa Labada madaxweyne kusoo dhoweeyay garoonka Cadaado, waxaana la geeyay halka loo qorsheeyay iney kusii nastaan.




From the comments