Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka dhacdo xafladda Caleema saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Ammaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana waddooyinka magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo xaqiijinaya ammaanka.
Wufuud kale duwan oo isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib ayaa ku sii qulqulaya magaalada Cadaado, waxaana shalay gaaray wafdiyo ka kala socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka qaarkood kuwaasi oo horudhac ah halkaasi u tagay.




From the comments