Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Australia Julie Bishop ayaa sheegtay in dalkeeda uu siinayo 14.3 malyuun oo kaalmo ah qaar ka mid ah dalalka Africa oo ay ka jiraan dagaallada iyo abaaraha.
Hadal ay sheegtay wasiirka ayaa waxay ku sheegaty in kaalmadaan ay iskugu jirto cunto adeegyada caafimaada, biyo iyo qalabka nadaafadda, iyada oo intaa ku dartay in kaalmadaan la siin doono wadamada Koofurta Suudaan, Ugandha Nageria iyo Kenya.
Isku duwaha xafiiska arrimaha bani’aadanimada ee qaramada iyo Hay’adda IOM ayaa waxay sheegeen in bilowga bishaan in ka badan 20 milyan oo qof inay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan Macluul.




From the comments