Maamulka Gobolka Sool Oo Sameeyay Howlgal Lagu Burburiyay Tuulo Cusub

Ciidamo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir ayaa howl-gallo waxay ka sameeyeen deegaanno ku dhaw magaalada Yeyle oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Laascaanood.
Ciidamada maamulka Sool ayaa guud ahaan waxaa ay holgal ku burburiyeen tuulo la doonayay in laga sameeyo aagga magaalada Yeyle .
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir ayaa sheegay in tuuladaani aan loo baahneyn in laga sameeyo dhul daaqsimaad ay daganyihiin dad xoolo dhaqato ah, isagoo sidoo kale tilmaamay in ay ugu tageen tuulada labo baraakadood iyo waabo halkaasi laga sameeyay ayna burburiyeen.
“ Waxaan joognaa tuulada la semeynayo waxay u dhaxeysaa shan magaalo oo ah Dhilaalo, Ceegaag, Caro weyn iyo Heyli dad deegaanka ka mid ah ayaa waxay rabaan inay deegaaneeyaan oo ay magaalo cusub ka sameeyaan waad aragtaan ciidanka ayaa aasaya oo saakay ka soo jarmaaday magaalada Laascaanood”.
Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Soomaaliland ayaa amar lagu mamnuucayo ka soo saartay inaan deegeemeysi hor leh aan laga sameyn karin gudaha maamulka Soomaaliland.
Muranka beelaha u dhaxeeya ayaa baryihii ugu dambeeyay ka imaanayay is qabqabsiga dhulka iyo deegaameynta horta leh oo laga yagleelayo dhul horay u ahaan jiray xoolo daaqsimeed.
Goobjoog News