Goobjoog

Qaramada Midoobey: 113,000 Ayaa Nabad Ilaalin Nooga Dhimatay, Welina Waan Wadnaa Shaqada

Qaramada Midoobey ayaa isniintii u dabaal-degtay maalinta nabadda adduunka, 70 sano oo shaqo geesinnimo leh, 70 sano oo nabad ilaalin caalami ah, waxaa sanadkan halku dheg looga dhigay shaqadooda “Investing…

Qaramada Midoobey: 113,000 Ayaa Nabad Ilaalin Nooga Dhimatay, Welina Waan Wadnaa Shaqada
Helmets belonging to soldiers of the Nigerian army are seen as part of preparations for deployment to Mali, at the Nigerian Army peacekeeping centre in Jaji, near Kaduna January 17, 2013. French troops launched their first ground assault against Islamist rebels in Mali on Wednesday in a broadening of their operation against battle-hardened al Qaeda-linked fighters who have resisted six days of air strikes. West African military chiefs said the French would soon be supported by around 2,000 troops from Nigeria, Chad, Niger and other regional powers – part a U.N.-mandated deployment which had been expected to start in September but was kick-started by the French intervention. REUTERS/Afolabi Sotunde (NIGERIA – Tags: POLITICS CIVIL UNREST MILITARY) – RTR3CK85

Qaramada Midoobey ayaa isniintii u dabaal-degtay maalinta nabadda adduunka, 70 sano oo shaqo geesinnimo leh, 70 sano oo  nabad ilaalin caalami ah, waxaa sanadkan halku dheg looga dhigay shaqadooda “Investing in Peace Around the World”.

Sida ay sheegeen Ilaa hadda 54 howlgal ayaa la soo gabagabeeyay, waxaa kale oo hadda gabagabo maraya nabad ilaalinta dalalka Cote d’Ivoire iyo Liberia.

Waxaa ay qoreen sida ay ku guuleysteen nabad ilaalinta wadamada Angola, Cambodia, Croatia, El Salvador, Guatemala, Namibia, Sierra Leone, Timor-Leste iyo meelo kale.

“Ciidamada nabad ilaalinta waxaa ay qabtaan, xabad joojinta, ilaalinta xuquuqul insaanka, taageeridda doorashooyinka xorta ah, dhiirigelinta sharciga iyo kala dambeynta iyo miino saarista, waxaa intaa dheer  in haweenka ay xuquuq siyaasadeed helaan.” Sidaa waxaa sheegay Xogheyaha guud ee ururka António Manuel de Oliveira Guterres.

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay oo kale  in sanadkii uu jagada hayey uu shaqo badan ka qabtay kufsiga iyo dhibaatada kale ee lagu eedeeyay ciidamada nabad ilaalinta, isagoo soo jeediyay in ay tahay in casharadaas wax laga barto, isla markaana loo shaqeeyo bulshada nabadooda la sugayo.

Qaramada Midoobey ayaa ammaan u jeediyay in ka badan 113,000 oo loo yaqaano Koobiyad Buluug oo haatan 16 dal oo caalamka ah ka howlgala.

llaa 1 Milyan oo rag iyo haween ah ayaa ka shaqeeyay howlaha nabad ilaalinta, waxaana dhintay in ka badan 3,500.

Sanadkii tagay waxaa UNka ka dhintya 117 halka sanadkan 5ta bil ee horreysay ay ka dhinteen 43 askari, waxaa uu xogheyahadooda guud sheegayaa in ay sii wadaan howlaha ay caalamka u hayaan, isaga oo wadamada ku dhiirigeliyay in ay ciidamo diraan, si loo qabto nabad ilaalin.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments