Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacantay 83 qof qarax ka dhacay magaalada Bagdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq .
Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Suuq lagu iibiyo wax yaabaha macmacaanka ah, waxaa uu sidoo kale burbur xooggan u geystay dhismiyaashii u dhawaa suuqa isagoo sidoo kale burburiyay tiro gawaari ah oo meesha yaallay.
Qaraxa marka uu dhacay ka dib waxaa goobta soo gaaray qaar ka tirsan ciidamada ammaanka ee Ciraaq kuwaas oo xiray dhammaan waddooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay iyagoo si aada u adkeeyay ammaanka goobta qaraxa uu ka dhacay iyagoo ka cabsi qaba inuu qarax kale dhaco




From the comments