Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo ahayd kuwa yar yar ee loo yaqaan Jet.
Diyaaraddan ayaa la sheegay iney saarnaayeen saraakiil ajaaniib ah, waxaana ay kasoo kacday Ballidoogle, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonka Aadan Cadde.
Diyaaraddan waxaa u bixi waayey lugaha, daqiiqado badan ayeeyna dul wareegeysa garoonka, laakiin ugu dambeyn waa ay dhacday, waxaana ka kacay dab, wallow ay si degdeg ah ku gaareen kooxaha damdamiska oo durba damiyey diyaaradda.





From the comments