Wararka ka imaanaya degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Siyaad Axmed Maxamed oo kamid ah saraakiisha amniga ee degmada Kaxda ayaa u sheegay Goobjoog News, in uu si iskiis ah u rogmaday gaari yar oo ay la socdeen Lix ruux, waxaana halkaasi ku dhintey 2 qof halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Gaariga ayaa si xowli ah ku socday, waxaana la sheegay in darawalka uu si awood ah ku geliyey gaariga meel leexad (Goolad/jiiro) ah, sidaasina uu gaariga ku rogmaday.




From the comments