Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeeysan oo habeenkii xalay ahaa dil ugu geeystay qof shacab ah halka loo yaqaano beerta jaadka ee u dhexeysa Banaadir iyo Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Dilka kadib Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta Xamar oo halkaa gaaray ayaa bilaabay in howlgal ay ka sameeyaan goobta dilka loogu geeystay marxuumka geeriyooday.
Waxaa la xaqiijiyay inta uu howlgalka socday in ay jiraan dad badan oo howlgalkaasi lagu soo qabtay, lama oga ilaa iyo hadda in la sii daayay iyo in kale, walow ay jireen dhallinyaro isla goobta lagu soo qabtay oo dib loo sii daayay.




From the comments