Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna kala hadley qaabkii la iskaga kaashan lahaa shaqada dalka ka socto haweenkuna ay qayb tooda uga qaadan lahaayeen howsha Qaran.waxaana kulankan soo qaban qabiyey Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya.
Qaar kamid ah Haweenkii ka soo qayb galey kulanka ayaa cadeeyey inay garab taagan yihiin dowlada isla markaan ay ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo xasilinta amniga,waxeyna ku dhiiri galiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiiisa sida dardarka leh ee ay shaqada u wadaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.





From the comments