Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiirka amniga maamulka Puntland oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, howlgallada ay ciidanka Puntland wadaan iyo arrimo kale.
Waxa uu sheegay wasiirka in bisha Ramadan awgeed ay aad u adkeeyeen amniga deegaannada maamulkooda ka arrimiyo, ayna ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan walxaha qarxa.
Waxa uu sheegay wasiirka in ay ku guuleysteen sidoo kale iney ka hortagaan falal amni darro sida qaraxyo iyo waxyaabo kale.




From the comments