Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen mid kamid ah ergadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kusoo xulay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qofka la dilay magaciisa ayaa lagu soo koobay Sheekh Maxamed, waxaana halkaasi ku dhaawacmay sida la sheegay xaaskiisa oo xaaladeeda aad u liidato.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi sida Goobjoog News, u sheegay mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafaddaasi.




From the comments