Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Qatar Maxamed Cabdraxmaan Aala Thani ayaa waxa uu qadka taleefoonka uu kula xiriiray dhiggiisa Mareykanka Rex W. Tillerson iyaga oo ka wada hadlay sidii Mareykanka iyo Qatar ay iskaga kaashan la haayeen la dagaalanka argigixisada.
War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ay xoojin doonaan heshiisyadii ay ku kala saxiideen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamada dalka Sacuudiga inta uu socday shirmada-xeedkii u dhaxeeyay Mareykanka iyo dowladaha Islaamka.
Doxa iyo Washington ayaa waxay iska kaa shan doonaan adkeynta dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga, iyo dhanka millatariga si loo xaqiijiyo danaha kawada dhaxeeya labada dowladood.




From the comments