Madaxweynaha Mareykanka D. Trump oo shir jaraa’id ku qabtay beer ku taalla aqalka cad ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doono heshiiska cimilada ee Paris.
Mareykanka ayaa ku biiraya dalalka Syria iyo Nicaragua oo ah dalalka aan ku jirin heshiis ay saxiixeen in ka badan 190 dal oo caalamka ujeedaduna ay tahay in laga shaqeeyo in dunida cimiladeeda aanu heer kulka gaarin meel aan ka soo noqod laheyn, lana yareeyo qiiqa iyo wasaqda warashadaha.
Trump waxaa uu ku marsiyooday in heshiiska uu shaqo la’aan dhigay dad badan Mareykan ah, isla markaana cimilada sida ay rabtaan ka yeeshaan dalalka Shiinaha iyo Hindia.




From the comments