Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa cunoqabateen kusoo rogay Kuuriyada Waqooyi, arrintaani ayaa jawaab u ah markii Kuuriyada Waqooyi ay si is xig-xigtay ay u tijaabisay Gantaallo.
Cunoqabateyntaan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo rogay afar shirkadood oo ay leedahay dowladda Kuuriyada Waqooyi iyo 14 mas’uul oo u dhalatay Kuuriyada Waqooyi Mas’uuliyiinta xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jira madaxa sirdoonka dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.
Golaha ammaanka, Mareykanka, Shinaha ayaa todobaadyo ka hor waxay u codeeyeen in Kuuriyada Waqooyi la saaro cunqabateyn.




From the comments