Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhaco dibadbax uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu taageerayo waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda Federaalka.
Shacab ka kala imaanaya 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan dibadbaxan sida qorshaha uu yahay.
Dadka ayaa isugu imaan doona Garoonka kubadda cagta ee Koonis, waxaana halkaasi kula hadli doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.




From the comments