Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho kabilowday dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan kumanaan shacab ah iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka , kaasi oo lagu taageerayo dowladda iyo waxqabadkeeda 100-ka maalin.
Munaasabadda waxaa ku sugan madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, ciidanka baambeyda iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Lix bil gudaheeda la gaari doono horumar iyo isbedallo badan.





From the comments