U bood dhigaalka

Sawirro: Dibadbax Lagu Taageerayo Dowladda Iyo Waxqabadkeeda 100-ka Maalin Oo Ka Socda Muqdisho

Juun 4, 2017

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho kabilowday dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan kumanaan shacab ah iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka , kaasi oo lagu taageerayo dowladda iyo waxqabadkeeda 100-ka maalin.

Munaasabadda waxaa ku sugan madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiirro,  xildhibaanno, saraakiil ciidan, ciidanka baambeyda iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka 100-ka maalin ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Lix bil gudaheeda la gaari doono horumar iyo isbedallo badan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ugu horreyn shacabka iyo dowladda oo mid ah lagu gaari garo guulo waaweyn, horumar, amni iyo dib u dhis.

Muqdisho ayuu sheegay in ay ka qurux badnaan doonto caasimadaha dalalka Africa, isbedal buuxana la arki doono 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha oo arrimo badan ka hadlay ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ku aadan la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna mar kale celiyey baaqa ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminsan fikirka Al-shabaab ay dowladda kusoo biiraan, kana tanaasulaan fikirkooda.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idiin kugu soo gudbin donna.

Goobjoog News

007 006 005 004 003 002 001