Mas’uuliyiin Hirshabelle Ah Oo Baaq u Direy Puntland
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle C/rashiid Warsame iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cal Jeyte Cismaan ayaa markii ugu horreysay waxay ka hadleen gaari walxaha qarxa lagu qariyey oo dhowaan lagu qabtay magaalada Boosaaso.
Waxay sheegeen in maamulka Puntland laga doonayo iney u cadaalad falaan dadka loo hayo falkaan oo uu sheegay ineysan waxbo kala socon oo lagu qalday, loogana dhigey iney qudaar wadeen.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in baaritan ay sameeyeen kadib ay ku ogadeen in dhallinyarada gaarigaasi watay aanay waxbo ka ogeyn walxahaasi qarxa.
“Waxaan u sheegeyna dowlad goboleedka Puntland in baaritaan markii aan sameynnay kadib aan ogaannay in wax dambi ah aanay lahayn darawalka iyo dhallinyarada kale ee la socday gaariga lagu qabtay walxaha qarxa, waa lagu qiyaanay waxaana ay u haysteen iney wadaan qudaar” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.
Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle C/rashiid Warsame ayaa isna dhankiisa sheegay in Puntland laga doonayo in ay ogaato Al-shabaab in kaliya aanu dhibateyn shacabka caadiga ah ee xitaa dadka xamaalatada ah ay dhibaateeyaan.
Wuxuu ugu baaqay in ay siidaayaan dhallinyaradan oo aysan ogeyn wixii ay wadeen, ka Hirshabelle ahaanna aysan raali ka ahayn in la dhibo shacabka Puntland ku nool.
Goobjoog News