Dalka Turkiga waxaa axaddii ka soo baxay markab gargaar oo siday 13,000 tons oo cunto ah, Markabka oo ku soo jeeda Soomaaliya waa uu ka soo shiraacday gobolka Mersin ee koonfurta dalkaasi.
Turkiga oo gargaarkan u soo dhiibay dadka ku dhibaateysan abaarta Soomaaliya waxaa kale oo ay sheegeen in arrinta aaney gargaar keliya ku koobneen ee xukuumadda Ankara ay fuliso barnaamijyo ay ku jiraan tababarro military, waxbarasho iyo mashaariic kale. Sidaas waxaa sheegay ra’siul wasaare ku xigeenka Turkiga.
Arrimaha iyo mashaariicda ay Turkiga ka fuliyaan Soomaaliya, waxaa iska kaashado hey’adaha kala ah: Bisha Cas, TIKA iyo AFAD.




From the comments