Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya qarax Miino lagula eegtay deegaanka Tarako oo hoostaga degmada Baardheere ee Gedo.
Qaraxan oo dhulka ku aasnaa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ay saarnaayeen ciidamada Kenya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Dad ku dhow halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay iney arkeen dhaawaca Labo askari oo Kenyan ah.




From the comments