Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe xubno ka tirsan Labada gole ee maamulkaasi iyo shacab aad u badan.
Shacabka madaxweynaha kusoo dhoweeyay garoonka Kismaayo ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu soo dhoweynayo madaxweynaha, sidoo kalena lagu soo xardhay sawirada Farmaajo.





From the comments