Madaxweyne Xaaf Oo Ku Wajahan Gaalkacyo
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wararka waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay amniga Gaalkacyo, iyadoo shacabka magaaladaasina u diyaar garoobeyn soo dhoweyntiisa.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweyne Xaaf ku taga degmada Gaalkacyo tan iyo marii xilkaasi loo doortay.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News