Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay Isgoyska Carwo Itko, qeybta degmada Warta Nabadda ay ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ragga wax dilay ayaa la sheegay iney qoryo fudud ku hubeysnaayeen, waxaana ay wateen Mootada Labada lug leh, sida ay xaqiijiyeen Goob joogayaal.
Waxaa goobta ka baxsaday raggii dilka ka dambeeyay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada dowladda oo baaritaanno wada.




From the comments