Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go’aanka golaha wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.
Golaha Wasiirada India oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha India Shri Narendra Modi ayaa ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Inida ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado. Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India loo soo masaafuriyo dalkooda Hooyo.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada India ay soo dhoweynayaan isla markaasna maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda. Dowladda Federaalkan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.”




From the comments