Shirka wasiiradda arrimaha gudaha ee dowladd Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa maalintiisa Labaad maanta galaya, kaas oo ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Shirkani oo ay wasaaradaha arrimaha gudaha DFS u qabaneyso kuwa maamul goboleedyada ayaa lagaga hadlayaa wada shaqeynta wasaaradahaasi.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa illaa hadda shirka ka maqan lamana oga sababaha ay uga maqan tahay shirkaasi.




From the comments