Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta wuxuu magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay wafdi ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP iyo midda qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka oo saacado qaatey ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay iyo arrimo kale.
Cabdirashiid Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hay’adahan u sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan xaaladaha Bini’aadannimo ee hadda jirta.





From the comments