Senator C/raxmaan Sheekh Maxamuud Maxamed Faroole oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si kulul wuxuu uga hadlay dagaal dhowaan ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Af Ururu ee gobolka Bari.
Faroole oo si gaar ah uga hadlay ciidankii Puntland looga dilay dagaalkaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar qura la laayo ciidan ka badan 20.
Waxa uu tilmaamay in ciidankaasi la daycay, islamarkaana la doonayo maamulka Gaas inuu sameeyo baaritaan degdeg ah kuna aadan in la ogaado wixii dhacay iyo sababta ay ku dhaceen.




From the comments