Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa saakay oo Sabti ah waxay ku jarmaadeen deegaanno ay gobolka Shabellaha Hoose ka maamulaan Xarakada Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay aadeen dhanka deegaannada kala ah Mareerey, Bariire, Janaale iyo deegaanno kale.
Goob joogayaal ku sugan deegaannada ay ciidankan aadeen ayaa soo sheegaya in shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ay bilaabeen barakac baahsan, iyaga oo ka baqaya in deegaannadooda lagu dagaallamo.




From the comments