War qoraala oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay burburiyeen goob ay ku tobabaranayeen xarakada Al-shabaab oo ku taallo magaalada Saakow ee gobolka Jubada dhexe.
“ Markii aan qabsanayey xafiiska waxaan sheegay inaan xoogga saari doono amniga….. weerarkaan waxa uu xoojinayaa ammaanka isagoo meesha ka saaray khatarta Al-shabaab” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxa uu sheegay in Al-shabaab ay dad badan dileen isagoo ballaan qaaday in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka badbaadinayaa Shacabka kooxaha arigixisada.




From the comments