Urur-ka Jaamacadda Carabta ayaa safiir cusub u soo magacaabay arrimaha Soomaaiya Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi, isaga oo madax ka noqon doona xafiiska Jaamacadda ee Muqdisho.
Mr. Xamuud waxaa uu warqadihiisa sabtidii hor dhigay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaana lagu wadaa in uu dhawaan hortago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdyllahi Farmaajo.
Ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntiisa tahay Qaahira waxaa uu ka mid yahay ururada caalamiga ah ee xubinta ka nahay, waxaan ku biinray 1974-tii.




From the comments