Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa waxay degmada Warta Nabaddaa gaar ahaan xaafadda Xamar Bile ku dileen qof shacab ah.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayey Axmed C/qaadir Xuseen, wuxuuna kasoo baxay sida la sheegay garaash ku yaalla xaafadda Xamar Bile, iyadoo raggii dilkaasi ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen.
Ciidamada dowladda oo halkaasi gaaray ayaa wada howlgal ay ku baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyay.




From the comments