Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda ayaa saakay oo Isniin ah waxay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalada Muqdisho.
Howlgalladan oo ah kuwo baaritaan ah ayaa waxay ka wadaan Isgoysyada KM4, Soobe, Banaadir iyo kuwo kale oo magaalada ah.
Waxay ciidanka si gaar ah u baarayaan gadiidka yar yar, iyadoo la istajinayo, kadibna darwalka su’aallo la weydiinayo sida aqoonsi, hubinta waxa gaariga saaran iyo arrimo kale oo amniga quseeya.




From the comments