Wasaaradda waxbarashada Sucuudiga ayaa axaddii ku dhawaaqday iney gabi ahaanba mamnuucday isla markaana ay ka shaqeynayso sidii maktabadaha jaamcaadka looga saari lahaa buugaagta Sheekh Yusuf al-Qardaawi oo ah hadda guddoomiyaha midowga culumada Islaamka oo fadhigiisu yahay dalka Qatar.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Sucuudiga oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay : “Wasiirka waxbarashada Axmed binu Maxamed Al-Cisa , waxa uu daka ugu baaqay in si degdeg ah loo hubiyo in kutubta uu qoray Sheekh Yusuf Al-Qardaawi laga saaro dhammaan maktabadaha jaamacadaha, iskuulaadka iyo maamulka waxbarashada”.
Warka ayaa intaa ku daray, “Kutubtaa haddii la helo in maktabadaha laga saaro dib dambena aan loo fidin”. Kutubta uu qoray Sheekh Qardaawi ayaa lagu tilmaamay iney khatar ku yihiin fikirka ardayda jaamacadaha iyo iskuulaadka.




From the comments