Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saakay oo Talaado ah ay howlgal ka wadaan degmada Jalalaqsi ee Hiiraan iyo deegaannada kale ee ku dhow degmadaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo, ciidamadana ay ku aadeen deegaanno shalay Al-shabaab madafiic uga soo tuureen degmadaasi.
Ma jirto illaa hadda cid lagu qabtay howlgalkaan amniga lagu sugayo, balse waxay ciidanka isku faafiyeen deegaanno dhowr ah.




From the comments