Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya dalka Turkiga uu yahay mid aad wanaagsan oo horumar leh.
Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya oo magaalada Adis-abab ku soo dhaweeyay ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda dalka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada waddan uu yahay mid aad u wanaagsan.
Wasiirka Itoobiya ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeyaa Turkiga iyo Itoobiya uu xilligaani yahay mid fiican , isagoo tilmaamay in labada wadan ay ka ciyaaraan kaalin weyn heerka xiriirka caalamiga ah isagoo ku dhisan dhexdhexaadnimo.




From the comments