Ismaaciil Maxamed Madar waa wiil Soomaaliyeed oo maalin kahor dowladda Imaaraadka Carabta kasoo musaafurisey dalkeeda, xilli uu ka qeybgalayey tartan Qur’aan akhris oo ka dhacayey dalkaasi.
Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sanadkiiba mar la qabto tartankaan, balse isaga iyo Arday ka socday dalka Qadar lasoo musaafuriyey.
Waxa uu tilmaamay in uu ka qeybgalay tartankii, rajo wanaagsanna uu ka qabay inuu galo mid kamid ah Saddexda kaalin ee ugu horreysa.




From the comments