Dowladaha Qatar iyo Talyaaniga ayaa waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan iskaashigooda ku aadan dhanka dhaqaalaha iyo lacagta in kastoo dowladda Qatar lagu soo rogay go’doomin.
Heshiiskaan ayaa waxa uu imaanayaa ka dib markii uu booqasho uu ku tagay wasiirka maaliyadda ee dowladda Qatar Shariif Al-cimaadii magaalada Rooma ee caasimadda Talyaaniga halkaasi oo uu kula kulmay wasiirka ganacsiga ee dowladda Talyaaniga.
Kulanka labada wasiir ka dib war-murtiyadeed ay soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in labada wasiir ay qaateen kulan saaxiibtinimo kaasi oo la jaan qaadayo xaaladda sare ee xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal.




From the comments