Goobjoog

Isbaheysiga La Dagaalanka Burcad Badeedda Oo Xoojinaya Ilaalada Baab Al Mandab Iyo Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada badda ee ku bahoobay la dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay xoojin doonaan joogitaankooda marinka Baab Al Mandab, Marinkan oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan…

Isbaheysiga La Dagaalanka Burcad Badeedda Oo Xoojinaya Ilaalada Baab Al Mandab Iyo Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada badda ee ku bahoobay la dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay xoojin doonaan joogitaankooda marinka Baab Al Mandab, Marinkan oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan waxaa maro maraakiibta ugu badan, waxaana laga cabsi qabaa in burcadda ay weeraraan.

Xulafada oo hadlayey waxaa ay sheegeen in weerrada  dhawaan ka dhacay goobahaasi ay caddeyn u tahay in ay dhici karaan isku day burcadda ay ku afduubtaan maraakiib, si taasi looga jawaabanaya ay ciidamada xoojin doonaan joogitaankooda dhanka galbeedka ee gacanka Cadan.

Xulafadan ilaalada badaha oo ka kooban 31 dal, waxaa ay xaruntooda tahay dalka Baxreyn, waxaana horkacaya dalka Mareykanka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments