Qarax Ismiidaamin ah ayaa caawa waxaa lagu qaaday Piza House iyo maqaayadda Posh Treats oo ku dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qof ismiidaamiye ah ayaa gaari uu watey waxa uu ku dhuftay sida la sheegay albaabka Posh, halka kooxaha ay galeen Piza House.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in gudaha maqaayadda laga maqlay rasaas dhaceysa , iyadoo ciidamada dowladda la sheegay in halkaasi ay gaareen.




From the comments