Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.
Kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka.
“Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.





From the comments