Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Casiis Saalax ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheynayso in sanadkaan ay shaqo abuur u sameyso dhallinyaro gaareysa 35,940 (Soddon iyo Shan Kun, Sagaal Boqol Iyo Afartan), taasi oo uu tilmaamay in sanadkaan la bilaabayo, shaqo abuurkaasina laga sameyn doono Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in dhallinyarada oo ah laf dhabarta dalka ay ku dedaali doonaan ineysan badaha ku cararin, ama fikrado qaldin lagu shubin, sidaasi darteedna shaqooyin loo abuurayo.
Si loo helo shaqo abuurkan ayuu sheegay in dowladda looga baahan yahay iney bixiso dhaqaale ku aadan sidii loogu maalgelin lahaa waxyaabaha dhallinyaradan shaqada looga dhigayo.




From the comments