Xiisadda Khaliijka: Amiir Khaalid Oo Sheegaya In Sacuudiga Aanu Qof Muslim Ah U Diidi Karin Xaramka

Amiir Khaalid Feysal oo ah la taliyaha boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdi Caziz ayaa waxa uu sheegay in boqortooyada Sacuudiga aaney qof muslim ah u diidi karin inuu soo galo Kacbada iyo masjidka Nabiga isaga oo gudanayo cibaadooyinkiisa.
Amiir Khaalid ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ku dadaalayaan sidii ay adeegyada ay u baahanyihiin dadka imaanaya kacbada ay u siin lahaayeen.
La taliyaha boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxa uu u mahad celiyay ciidamada ilaalada xaramka kuwaas oo uu sheegay in mar kasta ay u taaganyihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka xaramka iyo dadka xujeyda ah.
Amaiir Khaalid ayaa waxa uu carab baabay in axaddii la soo dhaafay ilaa iyo hadda ay soo dhaweynayeen dadka u dhashay Qatar kuwaas oo doonaya in ay soo cumreystaan.
Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Sacuudi Carabiya ay sheegtay in aysan xajka imaan karin dadka u dhashay dowladda Qatar ka dib markii ay shaqaaqo ay ka dhexdhacday Sacuudiga iyo Qatar.
Goobjoog News