Wararka naga soo gaaraya deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu dib uga bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo bee loo deegaankaasi wada deggan.
Warar ay Goobjoog News heshay ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu hadda soconayo ku dhowaad Saacad, waxayna Labada dhinac isku adeegsanayaan hub aad u culus.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama dagaalka uu socdo.




From the comments