Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta dib uga bilowday deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.
In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan oo weli socda, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.
Wariyaha Goobjoog ee B/weyne, Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya in dadkii ku dhaawacmay dagaalladan loo kala qaaday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo B/weyne, iyadoo dadka qaarna xaaladooda ay aad u liidato.



From the comments