U bood dhigaalka

Sawirro Iyo Warbixin: Weerarkii Posh Treat iyo Pizza House Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Weerar isugu jiray qarax Ismiidaamin ah iyo mid toos ah ayaa dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab waxay xalay ku qaadeen Posh Treat iyo Pizza Hotel oo ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ugu horreyn lagu dhuftay albaabka Pizza waxaana xigay dabley hubeysan oo halkaasi gudaha u gashay.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada dad ka badan 10 ruux oo shacab u badan kuwaasi oo taagnaa Bannaanka hore ee Labadaan xarun.

Dableydii hubeysnayd ayaa gudaha Pizza House markii ay galeen waxay bilaabeen iney toogtaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugnaa.

Isku dar khasaaraha dhimashada ee halkaasi ka dhalatay ayaa ah 24 ruux oo uu ku jiro ruux u dhashay Syria, iyadoo sidoo kale dadka dhintay ay ku jireen Saddex Gabdhood oo walaalo ah.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray xarumahan la weeraray ayaa durba waxay bilaabeen iney la dagaallamaan dableydii hubeysnayd ee gudaha u galay Pizza House kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay Afar.

Howlgalka ayaa saacado dheeraad ah qaatay, wuxuuna soo gaaray waabarigii hore ee saakay, iyadoo ugu dambeyn saraakiisha ammaanka ay sheegeen in lasoo gabagabeeyey weerarkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo saxaafadda kula hadlay halka weerarkaan uu ka dhacay waxa uu sheegay in Al-shabaab ay xasuuqeen dad shacab ah oo Afurayey.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in waxa weerarka soo qaadey ay ahaayeen Lix ruux oo mid kamid ah is qarxiyey.

“Cadowga maanta waxa uu beegsanayaa umadda Soomaaliyeed jiritaankeeda oo ay rabaaan iney baabi’iyaan, waxaan ugu baaqayaa in laga feejignaado cadowgaasi, loo diyaar garoobo in lala dagaallamo, tuutaha iyo qoriga aan u qaadanno inaan baabi’inno” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa burbur xooggan uu soo gaaray dhismaha Pizza House, Posh Treat iyo dhismayaal badan oo halkaasi ka dhowaa.

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid xilli maalmahan dambe amaanka magaalada uu soo hagaagayey, waxaana jiray howlgallo ballaaran oo ciidanka xasilinta caasimadda wadeen.

Hoos ka daawo sawirada

Goobjoog News

piza2 piza4 WEB1 WEB4 WEB3 WEB5 WEB6 WEB11 WEB10 WEB8 WEB7 posh_2